Rag AS u fududeyn jiray weerarada Boosaaso oo la maxkamadeynayo

Image

BOOSAASO - Shan nin oo la sheegay in ay la shaqeynayeen kooxda Al-Shabaab ayaa ka soo hor muuqday maxkamadda ciidamada Puntland ee magaalada Boosaaso.

Raggan ayaa lagu eedeeyay inay gaadiidkooda u adeegsan jireen inay xubno ka tirsan Al-Shabaab ka soo daabulaan dhulka buuraleyda ah, si ay falal dil ah uga fuliyaan magaalada Boosaaso.

Xeer ilaaliyaha maxkamada ayaa sheegay in ragaan lasoo qabtay kadib baaritaan lagu sameeyay labo kiis oo dil ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso. Ciidamada Nabad Suggida, ayaa gacanta ku soo dhigay shanta nin iyo gaarigii ay wateen, intii uu hawlgalka socday.

Qaar ka mid ah eedeysanayaasha ayaa ku andacoonaya in Al-Shabaab ay ku qasbeen in ay fuliyaan howlahan, halka qaar kalena ay ku doodeen in ay si aan ogeyn ula shaqeynayeen Al-Shabaab.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa lagu wadaa in ay xukun ku riddo afar ka mid ah shanta nin, halka mid ka mid ah eedeysanayaasha lagu waayay wax danbi ah.

Mudo sanado ah, Puntland ayaa dagaal kula jirtay AS iyo Daacish oo ku dhuumaalaysanaya dhulka buuralayd ah ee gobolka Bari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM