Rag qirtay dilka gabar meydkeeda laga helay Boosaaso oo lasoo bandhigay

Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Taliska Booliska Boosaaso ayaa wuxuu soo bandhigay laba shaqsi kuwaasoo ku eedeysan dilka gabar yar oo bishii lasoo dhaafay October meydkeeda laga helay duleedka xarunta ganacsiga Puntland.

Maxamed Cabdi Farey iyo Cabdiraxmaan Maxamed Isaaq oo "qirtay" dambiga ayaa sheegay in ay "u gacan-dhaafeen" marxuumad Naciima Cabdi Maxamed ayna dulmarsiiyeen gaari ay xilligaas wateen.

Falkaan ayaa wuxuu ka dhacay aaga Qaxootiga gaar ahaan inta u dhaxeysa Jidka sodonka iyo Saldhiga Ciidamada Bileyska ee War-salaad.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Bari, Gaashaanle Xuseen Cali Maxamuud, ayaa xusay in eedeysaneyaasha ay Maxkamadda ku wareejin doonaa Arbacada si ay u bilowdey geedi u socodka maxkamadeyntooda.

"Waxaan u mahadcelineynaa cid walba oo garab naga siisay soo qabashada raggan qiraalka ah," ayuu ka yiri shirka jaraa'id. "Waxaan ka codsaneynaa shacabka in ay mar walba sidaan noola shaqeeyaan".

Sidda laga soo xigtay saraakiisha, qabashadan raggan ayaa timid kadib baaris ay sameeyeen Ciidanka Dambi-baarista iyo Booliska gaar ahaan caddeymo ay ka heleen goobta falku ka dhacay iyo dhecaanka marxuumada.

Shaqsiyaadkan qiraalka naadirka ah sameeyay ayaa la sheegay in ay kamid ahaayeen bahda gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano BL-ka kana howlgala magaalada dekadda leh kuna teedsan Gacanka Cadan.

Bishii October 25-keeda sanadkan 2020, isbitaalka guud ee Boosaaso iyo taliska ayaa shaaciyey in gabadha aan loo geysan wax kufsi ah isla markaana kaliya uu jiro dil, shacabkana ugu baaqay in ay is-dejiyaan.

Qaybo kamid ah degaanada Soomaaliya waxaa bilooyinkii u dambeeyay laga soo tabinayey falal ka dhan ah haweenka kuwaasoo isugu jira afduub, dil iyo kufsi – arrintaas oo dad qaar ay tuhunsan yihiin in ay wax la abaabulay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM