Maxkamada Sare oo muddeysay dhageysiga kiiska Caasha

Image
Image

GAROWE, Puntland – Xukumaneyaasha gal-dacwadeedka kufsiga iyo dilka ee Caasha Ilyaas ayaa kasoo muuqan doona Maxkamada Sarre markii la muddeeyay waqtiga dhageysiga.

Shaqsiyaadka kiiskan xukunka dilka toogashada ah loogu riday ayaa kala ah; Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige.

Xubnahan oo xukunkooda ay ayiday Maxkamadda Racfaanka kahor inta aysan garka u gelin Maxkamada Darajada Koowaad ee gobolka Nugaal ayaa tan Sarre lasoo taagayaa 17-ka bisha August.

Maxamed Xareed Faarax, xeer-ilaaliye ku xigeenka Puntland kaasi oo kiiskan gacanta ku haya tan iyo bilowgiisa, ayaa shaaca ka qaadey in ay xeer-beegtada la hortagi doonan caddeymihii ay horey u soo bandhigeen.

Qareenadda u doodaya xukumaneyaasha ayaa dhinacooda waxaa la filayaa in ay la yimaadan difaacooda gal-maqalkan ay iyagu racfaanka ka qaateen tirro laba jeer ah.

Caasha Ilyaas Aadan, gabar 12-jir ku guda jirtay Waxbarashada Dugsiga Hoose ayaa bishii February meel ku dhow hoygooda Gaalkacyo laga helay meydkeeda markii la qafaashay lana faro-xumeeyay.

Kiiskan oo xukuumadda ay carabka ku adkeysay in ay fulin doonto xukun walba oo ay hay’addaha garsoorka ka go’aan qaatan ayaa waxay qoyska dhibanaha u balanqaaday Cadaalad meesha ugu sareysa.

MUUQAALKA XAREED

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo heegan sarre gelisay ciidamadda milatariga

Taliyaha ciidamada difaaca dawlada Puntland General Aadan Cabdi Xaaji ayaa askarta u sheegay in ay u diyaar-garoobaan “shaqooyin qorsheysan”.

  • Puntland

    07-05-2024

  • 03:26AM

Puntland iyo Hay'adda FAO oo ka shiray xoojinta xiriir wadashaqeynta

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgaley xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland.

  • Puntland

    06-05-2024

  • 01:08PM