Robab Dabaylo wata oo ka da'ay deegaanka Ceel-daahir ee gobolka Bari

Image

Deegaanka Ceel-daahir oo hoos taga degmada Carmo ee gobolka Bari waxaa ka da'ay Roobab Dabaylo wata kuwaas oo waxyeeleeyey guryo tiradooda lagu qiyaasay 70 sida ay sheegeen odayaasha deegaankaasi.

Faarax Cumar Maxamed oo ka mid ah odayaasha Ceel-daahir ayaa isagoo lahadlayey saxaafada wuxuu sheegay in waxyeelo ka soo gaartey haweenay uu ku soo dumey mid ka mid ah guryaha Dabaylahani xaaladeeda caafimaadna loogu qaaday magalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari

Dhawaan ayaa qaramada midoobay shir ay ku qabteen magaalada Muqdisho  ku sheegeen inay qaar kamid ah Somalia ay ka da'i karaan  Roobab Dabaylo wata iyagoo si gaar ah carabka ugu dhuftay meelaha ay maraan wabiyadda Jubba iyo Shabeelle fatahaad ay sameeyanna laga cabsi qabo.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia Nicholas Key oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen hadii dhibaatadaas ay timaado sidii loola tacaali lahaayeen.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM