​Roob doon ka dhacday magaalada Bosaso

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO, Puntland- Isu soo bax ALLE laga dalbanayo naxariistiisa iyo inuu ka dul qaado abaarta baahsan ee ka jirta deegaanada Puntland, ayaa maanta ka dhacday magaalo madaxda Ganacsiga ee Bosaso.

Roob doonta oo lagu qabtay garoonka kubadda cagta xarunta gobolka Bari, ayaa waxaa soo qaban qaabiyay culimaa'uddiinka Puntland gaar ahaan kuwooda magaaladaas ku sugan, waxaana kala soo qayb galay maamulka gobolka, degmada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Mudadii la joogay fagaaraha ALLE bariga, waxaana laga soo jeediyay wacdi iyo waano badan oo Shuyuukhdu dadka ugu sheegayeen inay EEBBE u noqdaan kana waantoobaan xumaha.

Waxay sidoo kale bulshada ku nool dalka iyo dibadda ugu baaqeen inay ka qayb qaataan gurmadka loogu jiro dadka abaartu saamaysay, iyagoo sheegay in dadka iyo duunyaduba halis ku jiraan.

Roob doontan ayaa waxaa iclaamisay wasaaradda Cadaaladda Puntland, waxaana saddex maalin ka hor isu soo baxan oo kale lagu qabtay magaalada Garowe caasumadda Puntland.

Arrintan ayaa timid kadib markii Labo sano la waayay roobabkii ka da'i jiray deegaanada Puntland, halka meelaha qaybtood intaas ka badantahay kuwana ka yartahay, balse maanta isku mid ka noqdeen duruufaha nololeed, midda baad iyo biyahaba, waxaana socda gurmad xoog leh oo deeq lagu gaarsiinayo dadka ku nool miyiga oo xaaladood liidato.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM