​Roob doon ka dhacday magaalada Bosaso

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO, Puntland- Isu soo bax ALLE laga dalbanayo naxariistiisa iyo inuu ka dul qaado abaarta baahsan ee ka jirta deegaanada Puntland, ayaa maanta ka dhacday magaalo madaxda Ganacsiga ee Bosaso.

Roob doonta oo lagu qabtay garoonka kubadda cagta xarunta gobolka Bari, ayaa waxaa soo qaban qaabiyay culimaa'uddiinka Puntland gaar ahaan kuwooda magaaladaas ku sugan, waxaana kala soo qayb galay maamulka gobolka, degmada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Mudadii la joogay fagaaraha ALLE bariga, waxaana laga soo jeediyay wacdi iyo waano badan oo Shuyuukhdu dadka ugu sheegayeen inay EEBBE u noqdaan kana waantoobaan xumaha.

Waxay sidoo kale bulshada ku nool dalka iyo dibadda ugu baaqeen inay ka qayb qaataan gurmadka loogu jiro dadka abaartu saamaysay, iyagoo sheegay in dadka iyo duunyaduba halis ku jiraan.

Roob doontan ayaa waxaa iclaamisay wasaaradda Cadaaladda Puntland, waxaana saddex maalin ka hor isu soo baxan oo kale lagu qabtay magaalada Garowe caasumadda Puntland.

Arrintan ayaa timid kadib markii Labo sano la waayay roobabkii ka da'i jiray deegaanada Puntland, halka meelaha qaybtood intaas ka badantahay kuwana ka yartahay, balse maanta isku mid ka noqdeen duruufaha nololeed, midda baad iyo biyahaba, waxaana socda gurmad xoog leh oo deeq lagu gaarsiinayo dadka ku nool miyiga oo xaaladood liidato.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM