Roob doon ka dhacday magaalada Garowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Salaad Roob doon ah ayaa maanta ka dhacday magaalada Garowe, caasumadda Puntland, taasoo ay iclaamiyeen dowladda iyo culimada qaybaheeda kala duwan.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey, xubno katirsan golauyaasha dowladda, isimo iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa kasoo qayb galay alle barigaas.

Khudbado ay jeediyeen isimadda iyo culimada, waxay ku sheegeen inay dadku eebbe u noqdo oo ay iska dhaafaan waxyaabaha keenaya inay raxmaddu yaraato.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha oo kahadlay goobta Alle lagu waydiisanaayey raxmadiisa ayaa waxa uu dhammaan dad weynaha reer Puntland ku booriyey kuna waniyey inay is cafiyaan.

Sidoo kale kusimaha Madaxweynaha  Cabdixakiin Xaaji Cabdilaahi Cumar camay ayaa waxa uu Alle  ka baryey in uu abaarta ka dulqaado umadda  Somaliyeed uguna bedelo raxmadiisa.

Roob doontan ayaa horay waxaa ugu dhawaaqday dowladda Somalia, waxaana tan iyo maalinkii talaada lasoo dhaafaysay ka dhacaysay guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee Somalia.

Abaar laxaad leh iyo roob la'aan jirtay muddo saddex sano ah ayaa ka taagan dalka Somalia, taasoo keentay inay yaraadaan biyihii islamarkaana halis galaan noloshada dadka xilli xoolahii dhammaadeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM