Roob doon ka dhacday magalada Garowe [Dhagayso]

Image

12 Octobar, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Garowe caasumadda Puntland lagu qabtay banaan bax Roob doon ah oo dhawaan shaacisay xukuumadda Puntland.

Fagaaraha u dhaw xerada 54-aad ee duleedka Waqooyi Garowe ayaa lagu qabtay isusoo baxa, waxaana ka soo qayb galay maamulka gobolka Nugal, kan degmada Garowe, dadweyne farabadan.

Roob doonta waxaa ku dhawaaqday sabtidii la soo dhaafay wasaaradda cadaaladda Puntland, waxaana kulankii maanta ka maqnaa inta badan golaha xukuumadda Puntland, waloow ay joogeen wasiirka beeraha iyo Agaasimayaal dhawr ah.

Labo rakcadood oo sunne ah ayaa goobta lagu tukaday, waxaana culimaa'udiinka Puntland soo jeediyeen wacdi ay bulshada ugu baaqayeen in la iscafiyo lagana waantoobo xumaanta ALLE-na loo laabto.

Roobka Dayrta ayaa ka hooray qaybo ka mid ah Puntland, waloow ay jiraan goobo badan oo ka jirto abaar iyo kulayl.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM