Roobab ka da’aya Puntland iyo Qardho oo khatar kale ku jirta

Image

QARDHO, Puntland - Waxaa ka curtey guud ahaan dalka Soomaaliya Asbuucii la soo dhaafey Roobkii Gu'ga kuwaas oo ka da'ay qaybo kamid dalka iyadoo aad  ugu farxeen shacabka Soomaaliyeed madaama dalku ku jiro xilli siyaasadeed oo adag. 

Degaanada Puntland ayaa sidoo kale maalmihii la soo dhaafey waxaa ka curtey Roobab aad loogu diirsadey waaxana la soo sheegaya in habeenkii xalay Roobab xoogan ka da'een qaybo kamid ah gobolada Highland, Sool iyo Karkaar. 

Magaalada Qardho oo sida wararku nagu soo gaarayaan uusan Roob badan dusha ka qaban ayaa waxaa ku soo rogmadey Daad mar kale xanibey isu socodkii magalaada. Halkaan ka daawo.

"Waxaa xayiran isu socodka magaalada iyadoo saaka aan qaybo kamid ah magaalada la furin ganacsiga." Sidaas waxaa Garowe Online u sheegey qof dagan magaalada.

Sanadkii hore ayaa magaalada Qardho waxaa ku soo rogmey Daadad farabadan kuwaas oo waxyeelo Nafeed iyo kuwa Hantiyeed u gaystey dadka dagan magaaladaas.

Dowlada Puntland ayaa gurmad u fidisay iyadoo gargaar kala duwan uga yimid dadkii waxyeeladu ka soo gaartey halkaas dhinacyada kale duwan ee bulshada, hay'ado khayriyaad ah iyo kuwo caalami ah.

"Waxaa la ururiyey gaareysa Sadex Milyan iyo Todobo boqol kun  oo dollar, qayb lacagtaas kamid ah waxay aheyd in lagu hagaajiyo ama lagaga leexiyo Daadadkaan magaalada balse ma dhicin." Sidaas waxaa GO u sheegey qof ganacsade ah oo ku nool magaalada. 

Guddiyada dowlada Puntland u saarrtey wax ka qabashada dhibaatooyinka Daadka ku soo rogmadey magalaadaas ayaa sida GO rumeysan waxay shaqadooda ku joogsatey qaybinta raashinka balse aan u gudbin wajigii labaad ee barnaamijka ee ahaa in magaalada laga weeciyo Togaga ku soo roga daadkaan kuwaas oo dad dhexdagan yahay. 

Dhinaca kale waxaa burbur ka jiraa qaybo kamid ah wadada isku xirta guud ahaan gobolada Puntland iyo Soomaaliya. Madaama xilli robaadkii bilowdey waxaa khatar ah in isu socodka gaadiidka joogsado mar kale.

Waxaa weli go'an tan iyo sanadkii hore buundada Midgar oo iyadu Halboowle u ah isku xirka gaadiidka u kala goosha gobolada Mudug, Nugaal, Karkaar, Sanaag iyo Bari. 

Dib u dhaca ku yimid wax ka qabashada buundadaan waxay sababtey in bulshada ku nool gobolka Nugaal bilaabaan dhowaan in lacago loo ururiyo sidii dib loogu dhisi lahaa Bridge-kaas balse arinkaas sida GO ogaadey waxaa hakiyey dowlada oo sheegtey iney iyadu qabaneyso howshaas. Halkaan ka daawo Suldaan Garaase oo booqdey 

Maamulka Puntland oo kamid ah dowlada Federaalka ah ayaa waxaa dib u dhiska kaabayaashiisa dhaqaalaha iyo dayac-tirka lagu sameeyo goobahaas ayaa inta badan waxaa qayb weyn ka qaata dowlada maamulkaas iyo dadweynaha oo uga qayb qaato qaabka iskaa wax u qabso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM