​Roobab ka da'ay qaybo kamid ah Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Roobab da'siimo ahaan kala duwan ayaa ka da'ay gobollada Puntland qaar kamid ah gaar ahaan Nugal iyo Mudug, waxaana ku diirsaday bulshada goobahaasi ku dhaqan.

Raxmadda ALLE ayaa hoorsimaadkeedu bilowday xalay ilaa maanta, waxaana goob joogayaal aan la xiriirnay noo sheegeen inay qabowsadeen islamarkaana baraagaha qaybtood biyo fiican galeen, halka kuwa kale ku warameen inuu ahaa qaboojin oo qura laakiin aysan waraha iyo baraaguhuba biyo galin.

Meelaha roobabku qabteen, waxaa kamid ah Burtinle, Godob-jiiraan, Galkayco iyo deegaano kale oo magaalooyinkaasi hoos yimaada.

Cabdicasiis aw- Axmed, oo kamid ah dadka deegaanka Hayaanle, ayaa Radio Garowe u sheegay inuu qabtay roob aad u wanaagsan kaasi oo biyo galiyay baraagaha intooda badan halka kuwa kale wali maranyihiin. Halkan ka dhagayso

Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka degmada Godob-jiiraan Axamed Maxamed ayaa Radio Garowe u sheegay in halkaasi ka da'ay roob qaboojin ah islamarkaana lagu diirsaday, waxaase uu xusay inuusan biyo galin baraagaha iyo balliyada, isagoo xusay in abaartu weli taagantahay. Halkan ka dhagayso

Wax soo saarka ayaa sidoo kale abaartu saamaysay, waxaana gudoomiye ku-xigeenka demgadaasi noo sheegay inuusan jirin dalag soo go'a maadama Godob kamid ahayd meelaha wax soo saarka caanka ku ah.

Roobabkan curtay ayaa kusoo beegmay xilli abaaro xooggan ka jira gudaha Puntland, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka iyo duunyada ku dhaqan meelaha miyiga ah, waxaana maanta cirku u muuqday mid kabadan sidii hore maadama ay muuqato jawi roobaad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM