Roobab lagu diirsaday oo ka da'ay gobalka Nugaal

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

October 6, 2014 (GO)- Roobabkii Dayrta ayaa ka da'ay guud ahaan degmooyinka Gobalka Nugaal, iyadoona wararka laga helayo dhanka degmada Dongorayo sheegayaan in roobku qoysas badan xoolahoodii ka laayay.

Magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa xalay saqdii dhexe ilaa saaka aroortii waxaa ku da'ayay roob mahiigaan ah  kaasoo biyo dhigay wadooyinka iyo hareeraha laamiga magaalada dhexmara.

Raxmadda Eeebe oo lagu diirsaday ka sakow waxaa jira cabashooyin laga muujiyay wadooyinka magaalada qaarkood kuwaasoo biyo badan ay fariisteen isla markasna aan waxba laga qaban.

Xoghayaha dowladda hoose ee Garowe Qaasim Maxamed Cabdi ayaa horay uga digay in xaafadaha magaalada laga ilaaliyo biyaha wasaqaysan ee lagu daadiyo kuwaasoo caafimaad xumo keeni kara.

Cusmaan Abuukar Shiikh oo ah gudoomiyaha barakacayaasha degan kaamka Jowle 2 waxa uu saluug ka muujinayay nolasha xiliyada roobka oo ay dhibaatooyin kala duwan la kulmaan.

''Kaamka aan horjoogaha u ahay waxaa degan dad buushash ku nool, badankooda dadku xalay oo dhan way taagnaayeen roobka dartiis, labada kaam Jowle 1 iyo Jowle 2 waxa kala xiray biyaha toga maraya waxan ugu baaqaynaa mamulka inay si deg deg ah uga jawaabaan baaqeena oo ay nala soo gaaraan baco dhibcaha roobka looga hortago''.

Roobabka Dayrta ayaa sidoo kale ka da'ay qaybo kamid ah gobollada Mudug, Bari, Karkaar iyo Sanaag, gaar ahaan gobolka Karkaar oo roobab lagu diirsaday labadii maalmood ee ugu dambeeyey ku hooreen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM