Rooble oo ka baaqdey xaflad loogu qabtay Garowe

Image

GAROWE, Puntland - Ra'iisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka baaqdey munaasabad caawa lagu qabtay Madaxtooyadda dowladda Puntland ee caasimadda Garowe.

Sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ayaa ka cudurdaartay ka qeybgalka xafladda isagoo aan sababeyn dib-u-dhaciisa.

Diidmadan uu ku wehliyaan Wasiirka Arrimaha Dibadda, iyo xubno kamid ah xafiiskiisa waxaa loo badinayaa in ay salka ku hayso in uu u shaqeyn waayay qorshihii uu u tegay magaala madaxda.

Munaasabadda waxaa xaadiray mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka federaalka kuwaas oo degaan doorashadoodu tahay maamulka hormuudka u ah nidaamka federaaliga ah ee dalku qaatay.

Wararka ayaa xusaya in Madaxweyne Dani diidey qorshe hordhac ah oo uu Rooble kaga codsadey in Puntland soo magacawdo Guddiga doorashooyinka ismarkanaa Muqdisho loo soo diro kadibna la wada hadlo, wixii khaldana la saxo markaas kadib.

Deni ayaa la sheegay inuu shuruud ku xiray magacaabida Guddiga, isla markaana dalbaday in la xaliyo arrinta Gobolka Gedo iyo in dib u eegis lagu sameeyo Guddiga doorashada ee muranku ka taagan yahay. 

Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa ku adkeystey, sidda xogtaan tilmaameyso, in marka hore la fuliyo shirkii Muqdisho wixii lagu heshiiyay, arrinta Gedo-na shir gaar ah looga hadlo.

Lama oga sababta Ra'isal Wasaare Rooble uga soo hormarinayo in guddiyada doorashada la soo magacaabo iyada weli aan la xalin qodobada la isku hayo. 

Waxaa la filayaa sida ka soo baxdey kulankii dhowaan Muqdisho ku yeesheen dowlada Federaalka, beesha caalamka iyo maamulada in kulan degdeg ah laga yeesho xalinta khilaafaadka taagan. 

Kulankaas lagu dhawaaqey oo aan weli la muddeyn ayaa sababi kara in doorashooyinka Soomaaliya dib uga dhacaan waqtigii loogu talagalay oo ah 8-da bisha Febraayo sanadka dambe 2021-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM