​RW Khayre “Puntland waxay tusaale fiican u tahay Maamullada

Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia Xasan Cali Khayre, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka iyo madaxda maamulka Puntland, oo u dabaal degaya sannad guuradii 19-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay sannaddii 1998-dii.

Mudane Khayre, ayaa sheegay in shacabka Puntland ay yihiin dad ku caan baxay nabad jaceyl, dawlad jaceyl iyo inay ka shaqeeyaan horumarka guud ee Soomaaliya. Wuxuna ugu baaqay inay sii xoojiyaan ka shaqeynta horumarka iyo sidii dib loogu yagleeli lahaa qaran Soomaaliyeed oo xoog leh, isagoo u rajeeyey inuu Alle u siyaadiyo horumarkaasi ay gaareen.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Shacabka iyo madaxda Puntland oo maanta u dabaal degaya sanad guuradoodii 19-aad. Puntland waxay tusaale fiican u tahay Soomaaliya inteeda kale. Waxay si wadajir ah uga shaqeeyeen nabadda, waxayna ku gaareen amni iyo horumar ballaaran” ayuu yiri Ra’isal wasaare Khayre.

Waxaa uu ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaruhu u xaqiijiyey shacabka reer Puntland in Dawladda Federaalka Somalia ay mar walba ka shaqeyneyso waxa danta u ah dalka oo dhan, dhinacoodana looga baahan yahay inay kaalintooda ka qaataan sidii waddanka dib loogu soo celin lahaa maqaamkii uu horey u lahaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM