RW Somalia oo kulan la qaadanaya madaxweynihii hore ee Puntland

Image

Waxaa hoyga uu ka dagan yahay magaalo madaxda Garowe madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole  ku soo booqdey Raisal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashid Cali Sharmaake.

Kulanka Raisal wasaaraha Simalia ayaa dirirada saaraya qaabka doorasho barlamanka Federaalka. 

Raisal wasaaraha ayaa imaanshihiisa la xiriirtaa sidii shacabka Puntland u qaadan lahaayeen nidaamka 4.5 kasoo dhowaan dadweynaha mandiqadaan daga diideen.

Magaalada Garowe ayaa saaka waxaa Ka bilowdey kulan u dhexeeya guddi dowlada Puntland u xilsaartey wadaxajoodka Federaalka.

Madaxweynaha Puntland oo dhowaan soo gaarey magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa kulamo uu la yeeshey bulshada ku nool dibada u sheegey in marnaba aan xukuumada oglaan doonin nidaamka 4.5.

Kulamada dowlada Federalka iyo Puntland ayaa ku soo beegmeya maalmo kadib markii kooxda Alshabaab weerar ku soo qaadey xeebaha Puntland. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM