RW Somalia oo kulan la qaadanaya madaxweynihii hore ee Puntland

Image

Waxaa hoyga uu ka dagan yahay magaalo madaxda Garowe madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole  ku soo booqdey Raisal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashid Cali Sharmaake.

Kulanka Raisal wasaaraha Simalia ayaa dirirada saaraya qaabka doorasho barlamanka Federaalka. 

Raisal wasaaraha ayaa imaanshihiisa la xiriirtaa sidii shacabka Puntland u qaadan lahaayeen nidaamka 4.5 kasoo dhowaan dadweynaha mandiqadaan daga diideen.

Magaalada Garowe ayaa saaka waxaa Ka bilowdey kulan u dhexeeya guddi dowlada Puntland u xilsaartey wadaxajoodka Federaalka.

Madaxweynaha Puntland oo dhowaan soo gaarey magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa kulamo uu la yeeshey bulshada ku nool dibada u sheegey in marnaba aan xukuumada oglaan doonin nidaamka 4.5.

Kulamada dowlada Federalka iyo Puntland ayaa ku soo beegmeya maalmo kadib markii kooxda Alshabaab weerar ku soo qaadey xeebaha Puntland. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM