Saciid Cabdullaahi Deni oo go'doon geliyey magaalada Boosaaso

Image
Madaxweynaha ayaa ku ololeeyay dhaleeceyn uu madaxdii ka horeysay ugu jeediyey in ay xiraan waddooyinka.

BOOSAASO, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni oo socdaal dhanka cirka ah ku tagay magaalada Boosaaso ayaa waxaa hakad loo geliyay dhaq-dhaqaaqa magaaladda muddo saacado ah.

Inta badan jidadka xarunta gobolka Bari ayaa la xiray muddo saacado ah. Sidoo kale, waxaa la arkayay dadwaynaha oo loo diiday lugta wadooyinka qaybtood taasoo dhalisay carro.

Gaadiidleyda oo saameynta ugu badan ay gaartey ayaa sheegay in ay dowladda aysan ka helin wax badiil ah oo ku saabsan mudada saacadaha ah ee shaqadooda ay xayiraada ku jirtey.

Lama ogga sababta ku kaliftey Deni in uu socdaal cirka ah ku tago Boosaaso. Dadka qaar waxay sheegayaan in laga yaabo in uu diidayo in uu arko qeybaha kala duwan ee bulshadda.

Deni ayaa ku ololeeyay dhaleeceyn uu madaxdii ka horeysay ugu jeediyey in ay xiraan waddooyinka. Hase ahaatee, waxaa muuqanaysa in uu haatan sameynaya isla ficilkaas.

Sidoo kale, warbaahinta ayaa laga xadiday tabinta safarka madaxweynaha. Qaar kamid ah saxafiyiinta ayaa ku eedeeyay xafiiska warfaafinta Deni in uu is-hortaag ku sameeyay shaqadooda.

"Warbaahinta ka howlgasha Boosaaso ayaa qaadacay tabinta safarka madaxweynaha sababo ku aadan in uu xun yahay xiriirka kala dhaxeeya warfidiyeenka Puntland," ayuu yiri wariye madax-banaan.

Socdaalka Deni ee Boosaaso ayaa kusoo beegmaya xilli xukuumadiisa ay magaalada ka qabatay diiwaan-gelin hal dhinac ah taasoo dadweynaha aysan u soo wada bixin, sidda uu qiray guddiga yab-yabaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM