Saciid Deni iyo ergayga Qaramada Midoobay oo ku kulmay Garowe

Image
Socdaalka Laing ee Garowe ayaa yimid xilli uusan hagaagsaneyn xiriirka hogaanka Puntland iyo madaxda dowladda federaalka.

GAROWE, Puntland - Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Catriona Laing oo Sabtida maanta ah booqasho ku tagtay Garowe, ayaa wadahadal la yeelatay madaxwayne Deni iyo ku xigeenkiisa Karaash.

Wadaxaajoodka ayaa, sidda ku xusan qoraal kasoo baxay xafiiska UN-ka ee Muqdisho, waxaa diirada lagu saarey doorashooyinka, arrimaha bini’aadantinimada, dowlad dhiska iyo taageerada UN-ka.

"Ergeyga Gaarka ah ee Xogayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing, ayaa maanta booqatay magaalada Garoowe halkaas oo ay kula kulantay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo xubnaha la shaqeeya oo ka wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin doorashooyinkii tooska ahaa ee dhowaan dhacay, baahiyaha bini'aadantinimo, dadaallada nabadda iyo dowlad-dhisidda, iyo taageerada Qaramada Midoobay," ayaa lagu yiri bayaanka.

War-saxaafadeedka ayaa intaas la raaciyey: "Ayadoo ka hadlaysay doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee dhawaan ka dhacay Puntland, ayay Ergeyga Gaarka ah ee Xogayaha Guud ee Qaramada Midoobay Catriona Laing shirkeeda jaraa’id ee Garoowe ugu hambalyaysay dadka Dawlad Goboleedka Puntalnd".

"Tani waa horumar weyn oo ay Puntland u qaaday dhinaca dimuqraadiyadda, waxayna sidoo kale muujinaysaa horumarka qaybaha kale ee Soomaaliya," ayay Laing u sheegtay wariyeyaasha.

Doorashooyinka toos ah ee ka dhacay Puntland ayaa waxaa hareeyay muran siyaasadeed iyo is-qabqabsi ku saabsan in uusan daahfurneyn hanaanka loo marayo qabashadda coddeynta.

Socdaalka Laing ee Garowe ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli uusan hagaagsaneyn cilaaqaadka u dhaxeeya Deni iyo madaxda dowladda federaalka kaasoo si weyn hoos ugu dhacay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM