Saciid Deni oo bilaabay dhaqan aan horey uga jirin Puntland

Image
Puntland oo ay haatan ay ka taagan tahay xiisadda ka dhalatay diiwaan-gelinta hubeysan ee lagu muran-san yahay.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa mudooyinkaan u guuray magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari halkaasi oo uu xarun ka dhigtay.

Puntland oo ay haatan ay ka taagan tahay xiisadda ka dhalatay diiwaan-gelinta hubeysan ee lagu muran-san yahay ayaa madaxweynuhu ka maamulayaa taliska ciidamada badda Puntland ee PMPF oo uu xarun ka dhigtay.

Degmada Caluula ee gobalka Bari ayuu madaxweynuhu ku tagay booqasho iyada oo uusan gobalka arkin intii uu hogaanka Puntland hayay xilli go'doon yihiin wadooyinka gobalkaasi taga isla markaana aysan fulin balanqaadyo xukuumadiisu ay horey u samaysay.

Wadada Lafo-gorey oo ahayd mida kale ee gobalkaasi loo maro ayay jareen daadadkii kal hore Puntland ka dhacay waxaana ay taasi keentay in marinka kaliya ee gobalkaasi uu yahay hawada iyada oo Deni uu ku tagay diyaarad degmada Caluula.

Maanta ayuu madaxweynuhu tagay degmada Xaafuun ee gobalka Bari isaga oo sidoo kale halkaasi ku tagay diyaarad waxaana la is waydiinayaa sababta Puntland oo caan ku ahayd nabad iyo is dhex gal bulsho ay ku timid in degmooyinka isku dhaw diyaarad looga kala safro.

Mid kamid ah xeeldheerayaasha dhaqaalaha oo aan waydiinay ayaa ku jawaabay '"Tani waxay keenaysaa in su'aal la iska waydiiyo sababta canshuurta muwaadiniinta loogu isticmaalayo in degmooyin isku dhaw diyaarad loo kala kiraysto hadii aanay jirin duruufo amni oo dhab ah''.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM