Saciid Deni oo billaabay Dhaqan aan Puntland horey uga dhicindhicin

Image
Madaxweynaha Puntland ayay noqonaysaa markii labaad ee uu hor istaago guddoomiye Sacdiyo.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha wakhtigiisu sii dhamaanayo ee Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta ka hor istaagay markii u horaysay taariikhda Puntland mas'uuliyiin sare oo dowlada federaalka Soomaaliya in ay soo aadaan Puntland.

Wafdiga oo ay hogaaminaysay Gudoomiye xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BJFS, Xil Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyada oo ay qayb ka ahaayeen wasiiro iyo xildhibaano.

Deni ayay noqonaysaa markii labaad ee uu hor istaago gudoomiye Sacdiyo oo haysa xilkii ugu sareeyay ee Haweeney ay ka qabato Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Tan iyo Doorashadii 2021 bishii May 15 keedi ka qabsoontay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho halkaasi oo Siciid Deni uu kusoo hungoobay waxaa soo baxay in uu Puntland ka bilaabay dhaqamo ay falanqeeyayaashu ku tilmaameen "Wabax Siyaasadeed".

Hadaba waxaa la is waydiinayaa Puntland oo 25 sano jirtay in markii u horaysay masuuliyiin ku matala golayaasha federaalka laga hor istaagay waxa xiligaan kusoo beegay.

Aqoonyahanka Puntland oo ka hadlay doodo dhawaan Garowe lagu qabtay ayaa sheegay in Puntland ay tahay in ay ka gudubto dhaqanka ah in qofkii hogaanka ah uu wixii uu doono sameeyo isla markaana lala xisaabtamo qofka marka uu ka dhamaado wakhtigu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM