Saciid Deni oo halis-geliyay mustaqbalka ardayda Puntland

Image
Puntland ayaa sanad kasta 25- bisha shanaad waxaa ka qabsooma imtixaanka midaysan.

GAROWE, Puntland - Guux xooggan iyo walwal aad u culus ayaa waxa uu ka dhashay xilliga madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni uu u mudeeyay doorashada lagu muran-san yahay ee golayaasha degaanka.

Puntland ayaa sanad kasta 25- bisha shanaad waxaa ka qabsooma imtixaanka midaysan ee fasalka sideedaad ee dugsigga dhexe iyo fasalka afraad ee dugsiga sare.

Mid kamid ah macalimiinta dugsiyada sare ee Puntland ayaa yiri "April hadii loo soo rari lahaa imtixaanka, April waa soon iyo ciid haddii sidaas la yeelana waxay noqonaysaa yaan waxba la baran. Waddo aan ahayn doorashadaan in la dib dhigo ma furna".

Imtixaanka ayaa waxaa uu ka dhacaa in ka badn 300 oo xarumood waxaana ilaaliya 600 macalin iyada oo la kireeyo sanad kasta baabuur gaaraysa 400 gaari halka ay sugista amnigiisa ka qayb qaataan ciidan gaaraya 130 askari.

Sidoo kale, magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari iyo xarunta ganacsiga Puntland ayaa bisha shanaad laga xagaa baxaa iyada oo ay tahay xilliga kuleyluhu ugu daran yahay.

Ururada siyaasadda Puntland ayaa horey uga digay in doorashadaan ay Puntland geliso hubanti la'aan mustaqbal iyaga oo soo jeediyay 13 qodob oo ay sheegeen in ay udub dhexaad yihiin doorasho la isla ogol yahay.

Madaxwayne Deni oo muddo xileedkiisa ay bilooyin uga dhiman yihiin ayay ku eedeeyeen in uu ka dhega-fureysanayo baaqyada gudaha iyo dibadda ee ku aadan in hanaankan uusan ka dhigan jaranjaro uu muddo kororsi ku helo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM