Saciid Deni oo muddeeyay doorasho lagu muransan yahay

Image
Qaar kamid ah ururadda siyaasadda ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in uu qorshahan ku doonayo muddo kororsi.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa Axada maantaa h waxa uu ku dhawaaqay xiligga doorashadda golayaasha degaanka degmooyinka Puntland.

25 bisha May 2023 ayuu madaxweynuhu u asteeya doorashada oo horey ay u qaadaceen afar kamid ah ururada siyaasadda Puntland iyaga oo ku xiray 13 qodob in la raaco si loo gaaro doorasho wadar ogol ah.

Kalfadhiga u dambeeya ee golaha wakiiladda ee haatan socdo muddo xileedkoodu ayaa qorshuhu yahay in uu furmo 25 May 2023 waxaana muuqata in madaxweyne Deni oo kasoo hordhacay kalfadhiga mudanayaasha barlamaanka.

Ururada siyaasadda Puntland ayaa horey ugu dhawaaqay in qorshahan laga damacsan yahay muddo kororsi iyo in meesha laga saaro kalfadhiga golaha wakiilada ee bisha June furmi lahaa.

Talaabada ugu dambeysay ee Deni oo muddo xileedkiisa bilooyin ka dhiman yihiin ayaa imaanaysa iyada oo colaado ay ka aloosan yihiin magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool.

Madasha Siyaasadda Puntland oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtey heer federaal iyo heer maamul goboleed ayaa ka digay in qorshahan uu dhaliyo firaaq dastuuri ah.

Daneeyeyaasha caalamiga ah ayay ku tartarsiiyeen in ay soo farageliyaan xaaladda ayna ku cadaadiyaan Deni in uu dib ugu soo laabto miiska wadahadalka si go'aan mideysan looga gaaro geedi-socodkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM