Saciid Deni oo shaaciyay liiska golaha wasiirada cusub ee Puntland

Image
Tiradda guud ee xukuumaddan ayaa ah 21 kuwaas oo saddex kamid ah ay yihiin dumar.

GAROWE, Puntland - Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu magacaabay golaha xukuumadda cusub ee Puntland kuwaas oo ay ku jiraan waji ku cusub marsaxa siyaasadda maamulkan.

Tiradda guud ee xukuumaddan ayaa ah 21 kuwaas oo saddex kamid ah ay yihiin dumar loona kala dhiibay Wasaaradaha Haweenka, Dhalinyaradda iyo Gargaarka Bini'aadantinimadda.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta ayaa loo dhiibay Maxamed Cabdullaahi Axmed, halka Wasiirka Amniga iyo DDR-ta loo xushay inuu madax ka noqdo Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin.

Sidoo kale, Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa kusoo laabtey kursigiisa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dimuqraadiyeynta, halka Wasiirka Maaliyadda loo magacaabay inuu noqdo Maxamed Faarax.

Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo kamid ahaa murashaxiintii madaxtinimada Puntland doorashaddii soo dhamaatay 8-dii Janaayo 2024 ayaa waxaa loo magacaabay Wasiirka Degaanka iyo Isbedelka Cimiladda.

Baarlamaanka Puntland ayaa lagu waddaa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo horgeeyo golahan si ay ugu qaadaan codka kalsoonida kahor inta aysan bilaabin in ay si rasmi ah ula wareegaan xafiisyadooda.

Magacaabida golahan ayaa waxa ay kusoo hagaagaysaa iyadda oo uu aad u hooseeyo xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland ayna muuqaan ifafaalo ay isugu soo dhawanaayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM