Saddex wasaaradood oo maanta Baarlamaanka PL hortegey

Image

November 12, 2014 (GO)- Kalfadhigii Baarlamaanka Puntland oo wali socda ayaa waxaa maanta hor yimid sadex wasaaradood oo kala ahaa Wasaarada duulista Hawada ,Wasaarada Warfaafinta iyo Wasaarada Hawlaha Guud iyo Gaadiidka.

Wasiirka iyo agaasimaha guud ee  Wasaarada Hawada ayaa warbixin dheer oo ka hadlaysa waxqabadka wasaarada ka hor akhriyay golaha baarlamanka, iyagoo sheegay in wax badan ay ka qabteen baahida garoomada diyaaradaha sida balaarintooda, dayactirka iyo waxyaalo kale oo laga qabtay.

Mar wax laga weydiiyey garoonka diyaaradaha Garowe madaxda Wasaaradda Duulistu waxay sheegay in lasoo gaba gabeeyey  tijaabadii  ciidda  garoonka  iyo wada tashigii  naqshadda sida ugu dhaqsaha badanna howsha dhismaha loo bilaabi doono.

Agaasimaha Wasaarada Duulista ayaa dhinaca kale xildhibaanada baarlamaanka uga warbixiyey halka uu marayo mashruuca lagu balaarinayo garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso isagoo xusay in qalabkii dhismuhu diyaar yahay dhowaanna shaqadu si toos ah u bilaaban doonto. Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in garoonka diyaaradaha Gaalkacyo dhowaan isna dayactir lagu sameyn doono loona dhisi doono terminaal cusub oo xilligan naqshadiisu diyaar tahay islamarkaana la dhagax dhigay.

Wasaarada Warfaafinta ayaa iyaduna ka warbixisay waxqabadkeedii 10 bilood ee lasoo dhaafay. Wasiirka Warfaafinta Cabdiwali xirsi Cabdule ayaa xildhibaanada ka hor akhriyay  waxyaabaha u qabsoomay isagoo xusay inay  ugu muhiimsan tahay khidmadda dowladdu saartay daqiiqadaha hadalka ee shirkadaha isgaarsiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM