Saraakiil horay uga tirsanaa Al-shabab oo Bosaso lagu soo bandhigey

Image

May 12, 2015 (GO)- Magaalada Bosaso waxaa maanta lagu soo bandhigey saddex nin oo la sheegay inay horay uga tirsanaayeen saraakiisha Al-shabaab ee buuraha Golis, balse bilo kahor isu soo dhiibey dowladda.

Saddexda sarkaal ee maanta lasoo bandhigey waxaa lagu kala magacaabaa:

  1. Mukhtaar Cabdinuur (Axmed Guray).
  2. Cabdiwaajid Cali.
  3. Guuleed Bashiir.

Taliyaha booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf oo warbaahinta uga warbixiyey qaabkii nimankaasi isu soo dhiibeen iyo xilalkii ay hayeen, wuxuu sheegay in Mukhtaar Cabdinuur horay u ahaan jirey Taliyaha Aagga Galgala ee Shabaab, halka Cabdiwaajid Cali uu isna Shabaab u qaabilsanaa dhinaca Gabayada, ninka saddexaad ee lagu magacaabo Guuleed Bashiir wuxuu isna ahaa sarkaal xil hoose hayey.

Jaqanaf ayaa sidoo kale sheegay in saddexdan nin dowladda usoo gacan galeen afar bilood kahor islamarkaana ay qirteen inay ka tirsanaayeen Al-shabaab balse hadda kaddib kasii tirsanaan doonin.

Waa markii ugu horreysey sanadkan 2015 ee magaalada Bosaso lagu soo bandhigo xubno la sheegay inay kamid ahaayeen hoggaanka ururka Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM