Saraakiil sare oo kasoo wareegey maamulka Somaliland

Image

BADHAN, Puntland - Saraakiil Somaliland uga howlagli jirey gobolka Sanaag ayaa u soo wareegey dhinaca Puntland, waxaana goobjoog ahaa munaasabad loo sameeyey kala wareegaas Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Puntland.

Labada Taliye ayaa maamulka Hargeysa u kala qaabilsanaa aaga Badhan iyo Ciidamada Badda Sanaag. Gurey Cismaan Saalax oo ah sarkaal caan ka ah gobolka Sanaag ayaa fadhigiisu ahaa magaalada Badhan isagoo halkaas ku haystey ciidamo.

Gobolka Sanaag ayaa wayadaan dambe waxaa ka socdey isbadalo dhinaca ciidamada ah, iyadoo saraakii ka soo jeeda degaankaas oo la shaqeyn jirey Somaliland u soo wareegeen dhinaca Puntland.

Talaabooyinkaan ayaa bilowdey kadib markii ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland dagaal kooban bishii May ee sanadkaan la galeen wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Waxbarashada Puntland.

Munaasabada lagu soo dhoweeyey ciidamadaan kala wareegey ayaa waxaa loogu sameeyey degmada Badhan iyadoo dadweyne farabadan kasoo qayb galeen.

Madaxweyne Siciid Cabdulahi Dani ayaa dhowaan dalacsiiyey una magacaabey taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka Booliiska Puntland Caydiid Axamad Nuur. Taliyahaan oo ahaa Korneyl ayaa loo dalacsiiyey Sareeye Guuto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM