Sarkaal ka tirsanaa ciidamada amniga P/Land oo Bosaso lagu diley

Image

May 20, 2015 (GO)- Sarkaal ka tirsanaa ciidamada nabad-sugidda Puntland PSF ayaa caawa lagu diley magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Labo nin oo bistoolado ku hubeysnaa ayaa lagu soo warramayaa inay sarkaalkaas toogteen xilli uu ku sugnaa agagaarka Dabaqa Sahalka oo masaafo aan badneyn u jira dekedda Bosaso.

Dableyda dilka geysatey oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la aqoonsan ayaa durbadiiba goobta ka baxsaday.

Ciidamada amniga ayaa daqiiqado kadib soo gaarey aagga dilku ka dhacay, balse kuma guuleysan inay falkaas cid usoo qabtaan.

Goobta caawa askariga lagu diley, waxaa saddex todobaad kahor qarax lagula beegsaday ciidamo ka tirsan ilaalada dekedda Bosaso. Qaraxaas waxaa ku dhintey hal qof oo rayid ahaa labo qof oo kalena way ku dhaawacmeen.

Waa sarkaalkii labaad ee ka tirsan laamaha ammaanka Puntland ee bishan May gudaheeda magaalada Bosaso lagu dilo.

May 3, 2015 ayey ahayd markii is-goyska Xalwo Banaadir lagu toogtey sarkaal kale oo lagu magacaabi jirey Maxamuud Axmed Dheere.

Mas'uuliyadda dilkan cidna ma sheegan, haseyeeshe Al-shabaab ayaa todobaadyadii u dambeeyey magaalada Bosaso ka geysaneysey weerarro ka dhan ah ciidamada amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM