Sarkaal sarre oo isku day dil kaga badbaaday waqoyga Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Puntland – Tafaasiil dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax gaari oo xalay ka dhacay waqoyga magaaladda Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid gaarigiisa loogu rakibay sarkaal sarre oo ka tirsanaa Ciidamada Xasilinta ee gobolkaas.

Cabdicasiis Faarax Maxamed Istakiin oo gaarigu ku qarxay isagoo maraya xaafadda Siinay ayaa lagu waramayaa in uu dhaawacmay.

Dhaawaca Istakiin ayaa lagu daaweynayaa mid kamid ah Isbitaaladda magaaladda, waxaana la sheegay in xaaladiisu wacan tahay.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas, hase ahaatee, waxaa dhacdooyinkan looga bartay Al-Shabaab iyo Daacish.

Xaaladda magaaladda ayaa haatan ah mid degan, waxaana laamaha ammaanku xoojiyeen muddooyinkii dambe howlgaladda lagu sugayo nabad-gelyada.

Waqoyga Gaalkacyo ayaa waxaa ka jira maamul hoostaga Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed, halka Koonfur uu ka armiyo maamulka Galmuudg.

Ciidamadda Xasilinta Mudug oo ah isku-dhaf labada dhinac laga soo xulay ayaa loogu talagalay in ay sugaan amniga, waxayna hoostagaan federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM