Sarkaal sarre oo isku day dil kaga badbaadey Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Soomaaliya – Sarkaal ka tirsan laanta dambi-baarista dowladda Puntland, Warsame Yuusuf Axmed [Yeey], ayaa Talaadada maanta ah isku dil wuxuu kaga badbaadey magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo kala duwan.

Weerarkan loo adeegsaday qarax miino oo ka dhacay bartamaha magaaladda Gaalkacyo ayaa waxaa lala beegsaday gaari uu la socday sarkaalka kaasoo la sheegay in uu kusii jeeday hoygiisa.

"Warsame waxba kuma noqon qaraxa loo dhigay. Balse, waxaa burbur xooggan uu soo gaarey gaarigiisa," ayuu yiri sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka magaaladda oo u waramay warsidaha Garowe Online.

Goobjoogeyaal ayaa intaas ku daray in ciidanka amniga ay tageen goobta ay wax ka dhaceen daqiiqado kadib markii falku dhacay isla markaana ay sameeyeen howlgalo aan la ogeyn in cid lagu soo qabtey.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda weerarkaas. Balse, waxaa falalka noocaan ah looga bartay Al-Shabaab.

Warsame ayaa lagu waramay in ay walaalo yihiin Cabdullaahi Yuusuf Axmed, madaxwaynihii hore ee waddanka Soomaaliya.

Bishaan Maarso 1-keeda, sanadkan 2021 ayay ahayd markii wariye Jamaal Faarax Axmed ay Al-Shabaab ku dishay magaaladda Gaalkacyo. Dowladda Puntland waxay xustey in ay shaqsiyaad dhowr ah u soo xirtay toogashadda isla markaana ay cadaaladda wajihi doonan xubnahaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM