​Sarriflayaasha iyo maamulka Galkacyo oo hishiiyay

Image

GALKACYO, Puntland- Sarriflayaasha magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa saddex todobaad ee u dambeeyay samaynayay diidmo la xariirta qaadashada iyo badalka lacagta shilling Somaliga ee lagu daabacay deegaanada Puntland.

Tallaabadan oo timid waxyar kadib markii gobollada dhexe laga diiday qaadashada lacagtaas iyadoo loo hogaansamayo amar kasoo baxay ururka Al Shabaab, ayaa maamulka degmada Galkacyo oo kaashanaya taliska gobolka Mudug ku dhaqaaqeen tallaabo lagu xakamaynayo dadka diidan lacagta shilling Somaliga.

Ciidamada ammaanka Galkacyo ayaa howlgal ay sameeyeen Jimcihii waxay ku xir-xireen in kabadan 50 Sariflayaal oo lagu edeeyay in ay qayb ka ahaayeen diideen gaabi ahaan  qaadashada lacagta shilinka Soomaaliga ah oo Khamiistii lasoo dhaafay laga diiday guud ahaanteeda  magaalada Gaalkacyo.

Howgalkan ayaa waxaa hormuud u ahaa Duqa Degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Axmed Tumey iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Mudug Aadan Nuur qaal oo Bulshad ugu baaqay in ay Ciidamada la shaqeeyaan.

Masuuliyiinta Amniga iyo kan degmada ayaa sheegay in aysan u dulqaadan doonin diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga ah oo Gancsatada Qaarkood ay  diideen in ay qaataan.

Tallaabadaas kadib waxaa wada-hadal isugu yimid Sariflayaasha iyo maamulka degmada Galkacyo, waxayna ka wada-hadleen sidii loo dajin lahaa xiisadda.

Labada dhinac ayaa ku hishiiyay arrimo ay kamid ahaayeen;

In la socodsiiyo lacagta shilinka Soomaaliga si bilaa sharuud ah, ganacsadihii diidana laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan

In aan loo dulqaadan doonin in la diido lagata kunka shilin ah ee laga isticmaalo  Degaanada  Puntland

In lacagta Dollarka ah lagu celiyo qiimihii hore ee lagu sarrifi jiray

Shacabka gobolka Mudug ayaa go'aankan ku taageeray dowladda maadama ay caqabad adag kala kulmeen diidmada lacagta Shilling Somaliga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM