Senator Faroole oo baaq kasoo saarey khilaafka doorashada

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland haddana ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo war-saxaafadeed kasoo saarey is-mari-waaga doorashooyinka Soomaaliya ayaa wuxuu soo jeediyey saddex qodob oo xal noqon kara.

Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud [Faroole] oo qoraalkiisa uu ku taariikheysan yahay 13-ka bisha Maarso, 2021 ayaa si adag u cambaareeyay talaabooyinka dhiiga uu ku daatay ee madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku kacay.

Sidda laga soo xigtay Faroole, xal ama is-afgarad lama heli karo iyadda oo gowrshiyo laga bixin tabashooyinka daneeyeyaasha qaar.

Heshiiska 17-kii September ayuu cod dheer kusoo jeediyey in si qaab la isla ogol-yahay loo dhaqan-geliyo, wuxuuna ka digay in Farmaajo uu isku koobay fulinta heshiiskaas, taasoo uu tibaaxay in ay dhabaha u xaari karto geedi-socod doorasho oo "u adeegaya musharax gaar ah [Farmaajo]".

Si looga gudbo mar-xaladda kala taagnaanta ah isla markaana wadanka uu si nabdoon uga baxo kala guurka, Faroole ayaa soo bandhigay afar talo kuwaas oo uu xusay in ay muhiim u yihiin xalka khilaafka.

1 - In shirka soo aadan ay kawada qeybgalaan dhamaan daneeyeyaasha; madaxweynaha waqtig ka dhacay, ra’iisul wasaaraha, madaxda maamulada, guddi uu horkacayo afhayeenka Aqalka Sare iyo xubno ka socda Golaha Midowga Musharaxiinta xilka madaxweynaha waddanka.

2 - In guddi ka socda Beesha Caalamka uu korjoogteeyo maxsuulka shirka si ay hogaamiyeyaasha uga caawiyaan in ay is-faham buuxa gaaraan

3 - In ammaanka shirka ay la wareegaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

4 - In xalka uu ku jiro iyadda oo la xaqiijiyo metelaada dhamaan dhinacyadda iyo wada-ogolka dhamaan dhinacyadda si looga gudbo is-mari-waaga loona dareero doorasho la isla ogol-yahay xor iyo xalaalna ah

Soojeedinta Senator Faroole ayaa kusoo hagaageysa xilli lagu waddo in dhowaan uu Muqdisho shir uga bilowdo dowlada federaalka iyo maamulada, iyadda oo wali aan lagu heshiin ajendaha gaar ahaan dalab ka yimid Puntland iyo Jubaland oo ah in Farmaajo saxiixo warqada in xilka uu ka dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM