Shacabka Garowe oo ka hadlay xariga sharci darada ah Wariye Deperani [Dhagayso]

Image

19 November, 2015(GO)-Shacabka magalada Garowe,oo manta aragtidooda ka dhiibanayay Barnaamijka Ra’yiga dadweynaha ee ka baxay  Idaacadda Garowe,kaasi oo diirada lagu saaray xariga loo gaystay Wariye Jamac Deparani, waxayna sheegeen in dowladda Puntland ku deg-degtay xarigaas oo aan hab waafaqsan nidaamka dalka u dagan.

Dadwaynaha ayaa dhaliil u soo jeediyay wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade, waxayna tilmaameen inuu ku xad-gudbay dastuurka dalka, isla markaana uu tijaabinayo awoodiisa wasiirnimo.

Jamac Deparani ayaa markii ugu horaysay si sharci daro ah xabsiga Garowe u hoyana caawa, waxaana arrintaasi dhaliilay, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo wariyaal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM