Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Image
Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

GAROWE, Puntland - Dowladda Hoose ee Garoowe ayaa habeenkii saddexaad howlo muhiim ah ka sameysay waddooyinka magaalada Garowe maaddaama xilli Roobaad lagu jiro waxay Dowladda Hoose ee Garoowe furidda marshiyeedyada loogu talo galay inay biyuhu maraan, si aanay biyaha roobka ugu hakan laamiyada iyo dariiqyada kale.

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal, iyadoo laga nadiifiyay ciiddii isku xirtay marshiyeedka laamiyadaas.

Maxamed Faarax Cawl oo ah madaxa gaadiidka iyo dhirta ee Dowladda Hoose ee Garoowe oo hormuud u ahaa shaqadan ayaa bulshada ku baraarujiyay inay ilaaliyaan kanaalada biyuhu maraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM