Shacabka Garowe oo si adag uga falceliyey hadalkii Goodax Bare

Image

GAROWE, Puntland – Dadweynaha ku dhaqan magaalo madaxda dowlada Puntland ee Garowe ayaa si kulul kaga falceliyey hadalkii kasoo yeeray Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Bare.

Shacabka oo la hadlay warsidaha Garowe Online ayaa muujiyey dareenkooda ku aadan sida ay uga xun yihiin erayadaas.

Qaarkood oo ku tilmaamay "mid khalad ah" ayaa ku booriyey wasiirka in uu ka laabto isla markaana "raali gelin buuxda uu bixiyo".

Muwaadiniin kale ayaa soo jeediyay in "khilaafka taagan" ay wada-hadalo ka galaan dowladda federaalka iyo Puntand "si loo badbaadiyo mustaqbalka dhalinyaradda iyo ardayda gudaha wax ku baratay".

Goodax Bare, oo sidoo kale ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka dalka, ayaa ku adkeystay "Puntland waa in ay galaan Imtixaanka ama isku filnaadaan oo aysan shahaado soo doonan".

Hadalkaas ayuu sheegay xili uu wareysi siiyey Talafishinka BBC-da oo wax ka waydiiyey muranka ka taagan dhanka shahaadooyinka.

Mas'uuliyiinta Puntland oo aan wali si rasmi kaga jawaabin go’aanka xukuumada federaalka ah ayaa horey u sheegay in dastuurka qabyada ah uu u ogolaanayo in ay si gaar ah u maamushaan arrimaha waxbarashada.

MUUQAALKA SHACABKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM