Natiijadda doorashadii Gollaha degaanka Puntland oo la qaadacay

Image
Ururadda Horseed, Mustaqbal, Ifiye iyo Runcad oo madal ku midoobay ayaa duray geedi-socodka doorashooyinkii dhowaan qabsoomay.

GAROWE, Puntland - Urur siyaasadeedyadda Horseed, Runcad, Mustaqbal iyo Ifiye ayaa ku dhawaaway in ay sameysteen is-baheysi siyaasadeed, sida ku xusan war-saxaafadeed ay soo saareen.

Doorashaddii ka dhacdey Qardho, Ufeyn iyo Eyl ayay xuseen in mabda' ahaan ay soo dhaweynayaan balse waxay tibaxeen in ay jirtay "musuqmaasuq, cagajugleyn iyo kaarar si jumlo ah loo bixiyey".

"Madashu waxay isku raacday in musuqmaasuqii ka dhacay Doorashadii Goleyaasha Deegaanka Puntland ay ururrada qaarkood uga faa’iidaysteen duruufta dhaqaale xumo ee dadweynaha, shaqo la’aanta baahsan iyo xaaladaha abaareed oo haysta shacabka deegaanada Puntland xiligaan," ayay raaciyeen bayaankooda.

Sida laga soo xigtey qoraalka,Guddiga Doorshadda KMG ee TPEC ayaa "baalmaray hirgalinta shuruucda doorashada loo dajiyay, sida ogaanshaha ilaha dakhliga ururrada, xakameyn la’aanta laaluushka xiliga doorashadda iyo jabinta Xeerka Diiwaangalinta Codbixiyaha".

"Waxay madashu ugu baaqeysaa TPEC inay soo saaraan warbixn degdeg ah oo iftiimisa xadgudubiyadii ka dhacay Doorashada horudhaca ah. Sidoo kale Madashu waxay ku baaqaysaa in korjoogtadii maxaliga ahayd ee Doorashada ay soo saaraan warbixin madaxbanaan oo tilmaanta xadgudubyadii ka dhacay doorashaddii saddexda degmo ee hordhaca aheyd," ayay carabka ku adkeeyeen.

Beesha Caalamka ayay cod dheer ugu baaqeen in ay baaritaan ku sameyso cabashooyinka ay ka muujiyeen doorashooyinka ayaga oo cambaareeyay ansixinta TPEC ee natiijadda coddeyntii dhacdey.

"Madashu waxay canbaaraynasaa in Guddiga Doorshadda KMG ee TPEC ay ansixiyeen natiijadii doorashada iyadoon wax kulan ah iyo wargelin la yeelan ururrada siyaasadda Puntland," ayay qoreen.

Ugu dambeyntii, madasha ayaa walwal ka muujisay "sii socoshada iyo mustaqbalka hannaanka axsaabta badan ee Puntland maadaama ay ku bilaabatay wadiiqo qaldan iyo sifo sharci darro ah".

Hoos ka akhriso qoraalka

No photo description available.

May be an image of text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM