Shaki soo kala dhex-galay Deni iyo ururada ku raacsan doorashada

Image
Tani ayaa keentey in maleyshiyaad ay wataan ururadda ay ilaalo ka qabtaan qaar kamid ah goobaha cod-bixinta.

GAROWE, Puntland - Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan oo ay isticmaalyaan qaar ka tirsan ururada siyaasada ilaalo ka ahaayeen saaka goobaha cod-bixinta magaalada Boosaaso.

Tani ayaa waxay timid markii ay soo baxeeen shaki ah in Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, uu damacsan yahay inuu ku shubto doorashada isagoo isticmaalaya ciidamada dowladda Puntland.

Deni oo markii lagaga guuleystay qaar ka tirsan doorashooyinka tijaabada ahaa ee Qardho, Ufeyn iyo Eyl, ayaa ka eryey shaqadii taliyihii Booliiska, isla markaana gudoomiyaha guddiga KMG [TPEC] xilka ka qaadey kadib markii uu xumaadey xiriirka wadashaqeyneed ee uu la lahaa Siciid Dani.

Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay ku hareeraysan yihiin duruufo kala duwan qabsoomida Doorashooyinka lagu muran-san yahay ee golayaasha deegaanka Puntland.

Degmooyinka gobalka Nugaal oo ay u horayso caasimada Garowe, Dangorayo iyo Godob Jiiraan ayay sheegeen guddigu in aanay suurtagal ahayn in ay ka dhacdo Doorashooyinka isla markaana ay dib u dhigeen.

Shirwaynaha wadatashiga Siyaasadda Puntland oo dhawaan Garowe kusoo dhamaaday ayaa ugu baaqay Guddiga Doorashooyinka in uu joojiyo Doorashooyinkaan lagu muran-san yahay isla markaana laga gaaro heshiis.

Dhinaca kale, waxaa dagaal la xiriira natiijadii doorashooyinkii tijaabada aheyd ee golaha degaanka ayaa ka dhacey xarunta gobolka Bari halkaas oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac ay ka dhasheen.

Dagaalkaan oo dhexmarey labo ciidan ee kawada tirsan kuwa Puntland ayaa waxaa garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Puntland kadib markii uu xilka ka qaadey agaasimaha ciidamada PSF (Puntland Security Forces).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM