Shaqaalihii Puntland TV oo gabi ahaan xabsiga loo taxaabey

Image

Axad ,September 28, 2014 [GO]- Waxaa caawa xabsiga loo taxaabay dhammaan shaqaalihii Puntland TV xaruntiisa weyn ee magaalada Garowe oo labadii maalmood ee ugu dambeeyey shaqo joojin ku jirey.

Wararka ayaa intaas ku daraya inuu fashilmeen gebi ahaanba wadahadaladii u dhexeeyey Madaxweynaha Puntland iyo howl wadeenada TV-ga kadib markii cabsho xoogan oo ay soo gudbiyeen dowladdu wax jawaab ah ka bixin weydey.

Shaqaalaha Telefishinka Puntland ayaa ku doodaya in xuquuq faro badan ka maqantahay halka musuq maasuq baaxad leh uu kula kacay maamulka cusub ee Warbaahinta Dowlada Puntland.

Xariga wareiye-yaashaan ayaa la sheegayaa inuu amrey Madaxweynaha Puntland kadib markii gudaha xarunta TV-ga uu ka dhacey is-afgaranwaa xoogan ee u dhexeeya guddi loo xilsaarey xalinta khilaafkaan iyo shaqaalaha oo gaaraya 18 xubnood.

Wariyeyaasha oo joogey xaarunta TV-ga markii xabsiga loo taxaabayey halkaasoo ciidamada amniga isugu keeneen ayaa wararku sheegayaan iney diideen in shaqada ay khasab ku bilaabaan.

Habeenkii labaad ayaa wararka Telefishinka laga soo galay xarun yar oo uu ku leeyahay magaalada London, maadaama uusan jirin qalab shaqeynaya iyo shaqaale ka howl-galaya xarunta weyn ee Telefishinku ku leeyahay magaalada Garowe.

Puntland TV ayaa sanadkii 2013 waxaa xarigga ka jaray Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole iyadoo maalgalintiisana ay lahayd Dowladda Talyaanigu.

Magacyada Wariyaasha la xiray ayaa kala ah.

Cabdiqani Cabdulaahi (Irbad) Tafatirihii Telefishinka Puntland.

Ibraahim Muuse Dahraan (Wadani) 

Xuseen Yuusuf Axmed 

Maxamed Cabdiwali Nuur (Timire)

Cabdirasaaq Jubba

Eng Maxamed Khaalid (Juujuule)

Sharmaake Maxamed Warsame

Cabdiqani Ismaaciil iyo xuno kale.

Garowe Online kala soco wararka la xiriira xaalada ka taagan TV Puntland.

Related Articles

Puntland oo martigelisay shirka la qeybsiga saameynta isbedelka cimilada

Kulankan ayaa qeyb ka ah mashruuca ay iska kaashanayaan Wasaaradda Deegaanka Soomaaliya iyo Hay’adda UNCDF.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 09:32AM

Puntland oo qabatay Maraakiib waday kalluumeysi sharci darro ah

Doonyo, laashash iyo shaqaalahoodii ayaa kamid ah waxyaabaha kale ee gacanta lagu soo dhigay.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 08:06AM