Shaqo joojin lagu sameeyay hogaanka Ciidanka Asluubta Puntland

Image
Labada Taliye ayaa lagu eedeeyey maamul-xumo, sidda ay sheegayaan warbixinada la helayo.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaqo-joojin ku sameeyey Taliyaha ciidanka Asluubta General Bile Faarax iyo Taliye ku-xigeenka Aslaabta ee koowaad S/G Cabdirisaaq Gantaal.

Shaqo ka joojinta labada taliye ayaa imaanaysa kadib markii Madaxweynaha Puntland kulamo is-daba joog ah la lahaa Saraakiisha ciidamada amniga iyo kuwa rayidka ah maalmihii lasoo dhaafay.

Talaabadan ayaa kusoo beegantay xilli madaxweynuhu uu shir gaar ah oo albaabadda u xiran yihiin uu Madaxtooyada kula yeeshey saraakiisha Asluubta. Labada Taliye ayaa lagu eedeeyey maamul-xumo. 

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MADAXTOOYADA EE KULANKAASI

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidanka difaaca Puntland ee Daraawiishta. 

Kulanku intuu socday Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Gen Yaasiin Cumar Dheere Taliyaha ciidanka difaaca Puntland ee Daraawiishta iyo Saraakiisha kale ee Ciidanka ee maanta Kulanka ka qeybgalay, waxayna la wadaageen howlgalada amni iyo qorsheyaasha ay ku horumarinayaan difaaca Puntland.

Madaxweynaha ayaa Ciidanka Daraawiishta Puntland ku boggaadiyay sida geesinimada leh ee ay marwalbo heegan ugu yihiin difaaca Puntland, oo ay uga difaacayaan argagixisada iyo cidkasta oo amni daro ka shaqeynaysa, wuxuuna faray in ay sii laba jibaaraan gudashada waajibaadkooda.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM