Shir laga yeeshay doorashada qof iyo cod ee Puntland

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa xarunta dhexe ee Guddiga wuxuu saaka ka furay shirkii TPEC iyo Hay’adaha ay wada shaqeynta leeyihiin sida EU, SSF, MAP, UNSOM, PUNSAA, DIAKONIA iyo PDRC.

Guuleed Saalax Barre iyo xubnaha TPEC  oo soo dhaweeyey wakiilada shirka ka qayb galay ayaa warbixin ka siiyey hawshii diiwaangalinta cod-bixiyaha ee June ka dhacday degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufayn iyo diyaar garawga doorashada la soo hor-mariyey ee 3-da degmo.

Wakiilada Hey’adaha iyo Ururada ayaa dhankooda ka warbixiyay shaqooyinka u qorshaysan muddooyinka dhow si wadajir ah loogu guuleysto yoolka ah dooraaho qof iyo cod ah oo Puntland ka qabsoonta.

Shirkan TPEC iyo Hay’adaha  ay wada shaqeynta leeyihiin ayaa bishiiba mar la qabandoonaa, waxaana shirkan ka xiga uu noqon doonaa usbuuc uhoreeya bisha July.

Dhanka kale, Gudoomiyaha iyo xubno ka mid ah TPEC ayaa shalay waxay isla xafiiska Garowe Gudoomiyaha kulan kula qaatay saraakiil ka socotay Hay'adda UNSOM.

Guddiga ayaa waftiga ka socday UNSOM warbixin ka siiyay shaqada ay wadaan hawlaha usoo qabsoomay ee ay ka mid ahayd diiwaangalintii codbixiyayaasha degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufayn iyo shaqooyinka u qorshaysan oo ay ka mid tahay qaybinta kaararka codbixiyayaasha iyo qabashada doorashada horudhaca ah ee degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufayn oo dhawaan ka soo dhamaatay diiwaangalintii codbixiyayaasha oo mudo ka socday, Gudoomiyaha ayaana qabsoomida arintan ku tilmaamay inay guul u tahay guud ahaan Soomaaliya iyo Puntland.

Ugu danbayn saraakiisha UNSOM ayaa soo dhaweeyay shaqada Guddiga ay qabteen iyo qorshahooda dhow iyo kan fog waxayna usheegeen xubnaha TPEC in ay wada shaqayntooda sii xoojindoonaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM