Shirar ku saabsan wadatashiga doorashada 2016 oo barri Puntland ka dhacaya

Image

15 November, 2015(GO)-Guddi xukuumadda Puntland u xilsaartay qabashada shirka qaran ee looga hadlayo qaabka loo dhigayo doorashada Somalia ka dhici doonta sannadka dambe ayaa maanta shaaciyay xilliga Puntland samayn doonto fikir uruurinteeda.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka Puntland Cali Cabdullaahi Warsame oo qayb ka ah guddigan ayaa warbaahinta Garowe, u sheegay in magaalooyinka kala ah; Garowe, Galkacyo, Qardho, Bosaso, Badhan iyo Tukaraq barri ka furmi doonaan kulamo looga arrinsanayo doorashada 2016.

Kulamadan wadatashiga ah, waxaa ka qayb galay 600 qof oo laga soo kala xulay deegaanada Puntland, waxayna socon doonaan labo cisho.

Guddiga ayaa codsaday inay ka soo qayb galayaashu dhiibtaan aragtidooda sida ugu hufan oo cadaaladi ku jirto.

Dhaqaalaha ku baxay shirarka wadatashi ayaa guddigan sheegeen inay dowladda Puntland bixinayso oo aysan cidna ka taageeri doonin.

Arrintan ayaa timi xilli dalka Somalia ka socoto aragti uruurin ku aadan qaabka ay noqonayso doorashada la qorsheeyay ee dhici doonta sannadka dambe, waxaana qaybo badan oo ka mid ah Somalia ka socda dadaalo lagu ogaanayo doorashada nooc ay noqon doonto.

Maamulka gobolka Nugal, ayaa shalay shaaciyay inaysan ogolaan doonin shirar shacab oo looga hadlayo doorashada Somalia in lagu hotellada, Jaamacada iyo goobaha kale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM