Shirarka Hiigsiga doorashada 2016 oo lasoo gaba gabeeyay

Image
Image
Image
Image

17 November, 2015(GO)-Waxaa goor dhaweyd la soo xiray shirka geedi socodka doorashada 2016 oo shalay ka fumray magalada Garowe kaasi oo ka qayb galeen Ergooyin boqol gaaraya kuwaasi oo laga soo xulay gobolka Nugal.

Xiritaanka kulankan, waxaa ka soo qayb galay ku-xigeenka madaxweynaha Puntland, wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Somalia, wasiiro, Xildhibaano iyo xubna ka socda bulshada qaybaheeda kala duwan.

Ergada ayaa doodayay qodobo su'aaleed ku saabsan habka doorashada oo ah;

  1. Doorashada Soomaaliya ma waxay noqon kartaa 4.5?
  2. Ma waxay noqon kartaa nidaamka axsaabta badan?
  3. Ma waxay noqon kartaa afar dhibic shan oo awood badan loo siinayo mamulada dalka?
  4. Mise waxay noqon kartaa qaab deegaan. qodobadaa ayay ahaayeen qodobaddii laga doodayay?

Afkaarta ka soo baxda su'aalahaasi ayaa lagu salayn doonaa shacabka Ergadani matalayso.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud Odowa oo xirtaanka shirkan ka hadlayaa ayaa sheegay inay fikirada shacabka laga arruuriyay geyn doonaan halkii loogu talagalay.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay ayaa dhankiisa xusay inaysan dowladdu wax lug ah kulahayn aragtida shacabka, wuxuuna ku ammaanay inay soo dhaweynayaan aragtida dadku dhiibteen.

Xiritaanka shirkan oo ka socday qaybo kale oo Puntland ka mid ah ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole sheegay in kulamadan dabada ka riixayso dowladda dhexe ee Somalia si ay u helaan nidaam mar kale talada dalka ku soo celin kara, waana sababta keentay wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia Garowe u yimi siday qabaan dadka u dhuun daloola siyaasadda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM