Shirka golaha wasiirrada Puntland oo looga hadlay shidaal barista Somaliland

Image
Image
Image
Image

10 December, 2015(GO)-Shirka golaha wasiirrada Puntland oo shir gudoominayay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey, ayaa looga hadlay arrimo dhawr ah oo ku jirto shidaal baaris Somaliland ka waddo gobolka Sool.

Kulanka wasiirrada ayaa lagu sheegay in arrintaasi tahay xad gudub maamulka Somaliland uu soo faragaliyay dhulka Puntland, waxayna ka digeen cawaaqib xumo ka dhalata.

Waxaa sidoo kale shirka looga hadlay u diyaar garowga 8-da Janaayo oo ah waqtigii la doortay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, waxaana la magacaabay guddi ka shaqayn doona arrinta xuska maalintaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM