Shirka golaha wasiirrada Puntland oo looga hadlay shidaal barista Somaliland

Image
Image
Image
Image

10 December, 2015(GO)-Shirka golaha wasiirrada Puntland oo shir gudoominayay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey, ayaa looga hadlay arrimo dhawr ah oo ku jirto shidaal baaris Somaliland ka waddo gobolka Sool.

Kulanka wasiirrada ayaa lagu sheegay in arrintaasi tahay xad gudub maamulka Somaliland uu soo faragaliyay dhulka Puntland, waxayna ka digeen cawaaqib xumo ka dhalata.

Waxaa sidoo kale shirka looga hadlay u diyaar garowga 8-da Janaayo oo ah waqtigii la doortay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, waxaana la magacaabay guddi ka shaqayn doona arrinta xuska maalintaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM