​Shirka golaha wasiirrada Puntland oo xaaladda Bosaso looga hadlay

Image

GAROWE, Puntland- Kulan uu shir guddoominayay Madaxweyne Gaas ayaa maanta ka dhacay magaalada Garowe caasumadda Puntland, kaasoo ahaa shir khamiiseedka golaha wasiirrada.

Waxaa looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen ammaanka Bosaso iyo abaaraha baahsan ee dalka ka jira.

Kulankaas ayaa lagu falanqeeyay arrimaha xarunta gobolka Bari, waxaana la isla qaatay in la sameeyo howlgal deg deg ah oo ku saabsan sidii magaalada looga sifayn lahaa kooxaha xiriirka la leh Al Shabaab.

Dowladda Puntland, ayaa war-saxaafeed kasoo baxay kulankaas ku sheegtay inay ku filantahay amnigeeda islamarkaana kacagta kusoo dhigi doonaan shakhsi kasta oo isku daya inuu carqaladeeyo amniga dadka iyo dalkaba.

Hadalkan ayaa yimid xilli magaaladaas amnigeedu aad u xumaaday bilooyinkii dambe iyadoo lagu dilay saraakiil iyo shacab kala duwan kuwaasoo ilaa hadda gacanta aan lagusoo dhigin dadkii fuliyay.

Dhinaca kale, Madaxweyne Gaas ayaa ka waramay xaaladda dadka u naq-raacay gobollada dhaca Bariga Puntland, wuxuuna xaqiijiyay inay ku suganyihiim marxalad adag oo u baahan in wax laga qabto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM