Shirka golaha wasiirrada Puntland oo xeerar lagu ansixiyay

Image

31 December, 2015(GO)-Shirka golaha wasiirrada Puntland oo shir gudoominayay Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimo amniga dalka ka midyahay, waxaana dowladdu ansixisay labo xeer oo khuseeya shirkadaha dhismaha iyo wasaaradda Kalluumaysiga Puntland.

Ansixinta xeerarkan ayaa lagu sheegay warsaxaafadeed maanta oo khamiis ah kasoo baxay shirka golaha wasiirrada Puntland. Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday furitaanka garoonka diyaaradaha Bosaso oo warbixinno laga dhagaystay guddi arrinta daah-furka loo xilsaaray, waxaana xukuumaddu sheegtay inay imaan doonaan shirkado caalami oo ka imaan doona Muqdishu iyo dalalka dariska la ah Somalia.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka golaha wasiirrada Puntland

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM