Shirka Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo ka furmay Garoowe

Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland - Waxaa saaka oo Axad ah magaalada Garoowe, ee xarunta Puntland ka furmay Shirka 4aad ee Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, kaasoo kusoo beegmya xilli khilaaf Siyaasadeed xooggan uu ka jiro dalka.

Shirkan oo ay ka qeybgalayaan Madaxda Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa inta uu socdo arrimaha maamul goboleedyada, siyaasadda, Hiigsiga doorashada 2020 iyo amniga.

Waa markii ugu horeysay oo Garoowe martigelisa Shirka Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, kaasoo lagu aas-aasay 2017 magaalada Kismaayo, ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Madaxda Gollahan ku midoobey ayaa xiriirka u jaray bishii lasoo dhaafay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, marka laga reebo Madaxweynaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare oo heshiis la galey Villa Somalia.

Khilaafka siyaasadeed ee u dalka ayaa gaarey heerkii ugu sareysay, iyadoo Aqalka Sare oo isku xil-qaamey dhex-dhexaadintooda uu ku eedeeyay Villa Somalia inay ka caga-jiideyso wadahadalka dowlad goboleedyada, oo cabashooyinkooda loo gudbay.

Maamul goboleedyada ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe inay fulin waysay heshiisyadii horey ugu gaareen shirarkii Muqdisho iyo Baydhabo lagu qabtey iyo inay faragelin joogto ah ku heyso arrimahooda gudaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM