​Shir ka furmay magalada Qardho

Image
Image
Image
Image

QARDHO- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas), ayaa maanta ka qayb galay shir ka furmay magalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, waxana la sheegay inuu yahay shir lagu kulansiiyay duub dhaqameedka Somaliyeed.

Gogasha shirkaasi oo dhigay Boqor Burhaan Boqor Muuse, waxaana kasoo qayb galay isimo kala duwan oo ka yimi Puntland iyo gobollada Somalia qaarkood.

Kulankan oo ka dhacay xarunta jaamacadda Bariga Afrika ee Qardho, ayaa ku saabsanaa furitaan oo kaliya, waxaana khudbad ka jeediyay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali oo sheegay inuu ku faraxsanyahay ka qayb galka madashan, isagoo dhuubka shirka yimi usoo jeediyay inay ka qayb qaataan sidii la isugu keeni lahaa umadda Somaliyeed.

Furitaanka kulankan, ayaa kusoo beegmay xilli madashaasi khilaaf xooggan ka jiro iyadoo isimadu ku kala qaybsanyihiin, waxaana sidaasi oo kale shir Garowe uga socdaa isimo sheegay inaan kulankaasi lagu ballamin islamarkaana aysan haboonayn in madal Somaliyeed loo gudbo iyadoo aan laga tashan tan Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM