Shirka labaad ee daneeyeyaasha PL oo Garowe ka furmay

Image
Image
Image
Image

February 3, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si rasmi ah u daah furay shirweynaha labaad ee daneeyeyaasha Puntland.

Shirkan oo soconaya muddo dhan saddex maalmood ayaa waxaa ka qeyb galkiisa lagu casumay Wasiiro, agaasimayaal , gudoomiyaasha gobolada iyo degmooyinka Puntland, madax ka socotay hay'adaha Puntland, xubno ka socdey beesha caalamka iyo marti sharaf kala duwan oo isugu jirtey rag iyo dumar.

Ujeedka kulanka ayaa ah in la abuuro madal ay ka qeyb galayaasha shirweynaha daneeyayaasha Puntland ay dib ugu milicsadaan ugana wada xaajoodaan caqabadaha Puntland ka haysta dhinacyada amniga, saraynta sharciga, dimuqraadiyeynta Puntland iyo maamul baahinta ilaa heer degmo.

Waxaa sidoo kale ujeedooyinka shirka kamid ah in la falanqeeyo lana meel-mariyo natiijada ka soo baxday sahaminta barnaamijka tiirarka nabada, iyadoo looga gol-leeyahay in la soosaaro xal wax looga qabankaro kuna haboon wacyiga iyo daruufaha ka jira Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shirka furay ayaa sheegay in saddexda ajande ee shirka looga hadlayo cilmibaaristana lagu sameeyey ay yihiin kuwo saldhig u ah dawladnimada iyo jiritaanka Puntland.

Gaas ayaa sidoo kale sheegay in hadii sharcigu dadka ka sarayn oo aan loo hogaansamin inaan marnaba la gaareyn dawladnimo dhamaystiran, sidaas darteed ay khasab tahay in loo hoggaansamo sharciga.

Shirweynihii koowaad ee daneeyayaasha Puntland waxaa la qabtay sanadkii 2010, waxaana xiligaasi lagu asteeyey caqabadihii ka jiray tiirarka asaaska u ah dawladnimada oo ay gu muhiim saneyd tiirka amniga iyo sareynta sharciga .

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM