Shir looga hadlayo ammaanka Nugaal oo Garowe ka furmey

Image

February 24, 2015 (GO)- Magaalada Garowe waxaa maanta ka furmey shir looga hadlay amaanka iyo horumarinta gobolka Nugaal. Shirka oo gogoshiisa maamulka gobolku dhigey, waxaa kasoo qayb galay isimmo, nabadoonno, aqoonyahan iyo culimaa'uddiin. 

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdulaahi Ciise Aw-axmed oo ugu horayn ka hadlay furitaankii shirka, wuxuu sheegay in ujeedada loo soo qaban qaabiyey tahay sidii laysaga kashan lahaa xoojinta nabadgelyada islamarkaana isimmada iyo waxgaradku arintaas taladooda ugu biirin lahaayeen.

Qaar kamid ah nabadoonnada gobolka oo goobta ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqey muhiimadda ay leedahay sugidda ammaanku iyagoo soo jeediyey in dhammaan qaybaha bulshadu xil iska saaraan sugidda amniga gobolka gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Garowe.

Kulankan ayaa ah kii labaad ee noociisa ah ee intii lagu guda jirey bishan February Garowe ka dhaca, wuxuuna kusoo aadayaa dhowr maalmood kadib markii xilalaka laga qaadey qaar kamid ah saraakiisha laamaha ammaanka, arintaasoo xiisad kooban dhalisey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM