Shirka Todobaadka caalamiga ah ganacsiga oo Garowe ka furmay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

16 November, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Garowe ka furmay kulan ku saabsan Todobaadka hal-abuurka caalamiga ah ee ganacsiga oo looga hadlay sidii loo dhiiri galin lahaa in bulshadu samayso fikirro cusub oo ku aadan ganacsiga.

Furitaanka Asbuucan,waxaa ka qayb galay madaxweynaha Puntland, gudoomiyaha Barlamanka, xubno ka socda golaha wasiirrada, Safaaradda Ethopia ee Puntland iyo hay'adaha caalamiga, waxaa sidoo kale goobta ku sugnaa mas'uuliyiinta shirkadaha ganacsi ee kafuran magalada Garowe.

Barnaamijkan hirgalintiisa waxaa iska kaashaday wasaaradda ganacsiga Puntland hay'adda shaqaalaha adduunka(ILO) , rugta ganacsiga Puntland iyo machadka SIDRA, waxaana agaasimaha machadkaasi, Guuleed Saalax Barre dowladda ka codsaday inay samayso sanduuq ganacsi, ama laan ganacsiga qaabilsan oo Bangiga dhexe dowladdu ka furtay si loo yareeyo shaqo la'aanta lana dhiiri galiyo ganacsiga.

Ganacsatada ka qayb gashay kulankan, ayaa sheegay in arrintan oo kale horseed ka noqonayso hormarinta dhaqaalaha iyo yareynta shaqo la'aanta.

Wasiirka ganacsiga Puntland Cabdiwali Xirsi Cabdulle "Indhaguran", oo ka hadlay sidii loo dardargalin lahaa hal abuurka Ganacsi, ayaa hay'adaha taageerada bixiya ka codsaday inaysan u samayn fikir, balse taageeraan hal-abuurka reer Puntland la yimaadaan.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo kulankaasi furay, ayaa tilmaamay inaysan ganacsiga abuurin dowladdu, laakiin bulshada u sameyso degaan ganacsi lagu samayn karo.

Kulankan ayaa socon doona saddex bari, waxayna noqonaysaa markii ugu horraysay shir caynkaan ah lagu qabto Somalia, balse waxaa sannad walba Todobaadkan caalamiga ah laga xusaa dunida oo dhan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM