Shirka Wadatashiga Siyaasadda Puntland oo ka bilowday Garowe

Image
Kulankan oo socon doona labada casho soo aadan ayaa dhamaadka laga soo saarayaa war-murtiyeed.

GAROWE, Puntland - Shirka Wadatashiga Siyaasadda Puntland ayaa Axadda maanta ah waxa uu ka bilowday magaaladda caasimada ah ee Garowe xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo culus.

Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole iyo Ra'iisul wasaarihii hore ee dowlada federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali ayaa shirka uga qayb galaya aalada Zoomka.

Siyaasiyiinta ayaa, sidda ay illo wareedyo u sheegeen Garowe Online, waxay ka arinsanayan xaaladda Puntland iyada oo ay kal-doorasheedka madaxtooyada ay ka dhiman tahay muddo dhawr bil ah.

Labada maalin ee soo socota ayuu shirkaani Garowe ka socon doonaa iyada oo la filayo in gabagabada uu kasoo baxo war-murtiyeed ay ku cad yihiin qodobadda ay diiradda saareen.

Xukuumadda madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni oo muddo xileedkeeda bilooyin ka hareen ayaa abuurtay qalalaase siyaasadeed markii ay u dhaqaaqdey furitaanka dastuurka.

Qorshahan ayay qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo ururadda siyaasadeed ku tilmaameen mid dhabaha u xaari karta muddo kororsi iyo dastuur jabin taasoo ay xuseen in ay diidan yihiin.

Doorashadda madaxweynaha dowladda Puntland ayaa dastuurka xeerinayaa in ay qabsoonto 8-da Janaayo, 2024 taasoo ka dhigan in muddo xileedka Deni uu dhamaanayo 7-da isla bishaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM