Shirka Wadatasiga Puntland: Maxay u sareysaa rajada fiican ee laga qabo?

Image

GAROWE, Puntland – Shirweynaha Wadatashiga Puntland ayaa shalay oo Axad ahayd wuxuu si rasmi ah uga furmay magaalada caasimada ah ee Garowe, iyaddoo ay aad sareyso rajada wanaagsan ee laga qabo maxsuulkiisa.

Ergooyin gaaraya 500 oo ka kala yimid gobolada kala duwan ee Puntland ee ka qeybgalaya madasha uu socon doonta muddo maalmo ah.

Madaxweyne Deni oo tibaaxay in madasha lagu jeex-jeexi doono mustaqbalka Puntland iyo kaalinteeda jihada cusub ee Soomaaliya qaadeyso ayaa wuxuu ka qeybgaleyaasha ka rajeeyay "dood caafimaad qabta".

Deni oo ku eedeeyay dowlada Farmaajo in ay "caburin iyo awood-sheegasho" ku hayso maamulada kasoo horjeeda ayaa caddeeyay in ay fashilmeen dhamaan dedaaladii xal waara looga gaari lahaa khilaafkaas.

Ku xigeenkiisa, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa meesha ka saarey in shirka uu yahay mid looga soo horjeeda Dowladda Federaalka ah.

Karaash ayaa caddeeyay in Puntland ay cabasho ka tahay xukuumadda Soomaaliya, balse aysan ku lahayd cadaawad isla markaana ay diyaar u yihiin in ay miiska wadahadalka ku garnaqsadaan.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa soo jeediyey in shirka uusan noqon mid wax u dhima midnimada wadanka.

Cabdiraxmaan Faroole, madaxweynihii hore ee Puntland hadana ka tirsan aqalka sarre ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa eragada ku waaniyey in arrimaha quseeya Puntland ee shirka looga hadlo aysan dusin.

Maxamed Cabdiraxmaa Dhabancad, wasiirka arrimaha gudaha Puntland ahna guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shirka, ayaa hoosta ka xariiqay in shirka uu ku yimid wadatashi ay u dhan tahay xukuumada.

Dadweynaha Puntland ee ku dhaqan caasimada iyo magaalooyinka kale ayaa kalsoonida ka muujiyey in shirka uu noqdo mid xal waara u keena arrimaha ka jira gudaha iyo khilaafka aan wali laga xal-gaarin ee Puntland.

Sikastaba ha ahaatee, war-murtiyeed wadajir ah oo kasoo bixi doona shirweynaha ayaa la filayaa in lagu caddeeyo qodobadda ay isku raaceen ergada, iyaddoo la rajeynayo in lagu soo qaado arrimo xasaasi ah sida doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM