Shirka Xukuumada Puntland oo looga hadlay Arrimaha Imtixaanka iyo Xajka

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu gudoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Kulanka oo ay inta badan xubnaha Golaha ay kasoo qayb-galeen ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Madaxweyne Ku-xigeenka.

Isu-imaatinka ayaa waxaa  todobaadkan looga hadlay arrimo ay kamid yihiin; Amniga dalka, Imtixaanaadka Shahaadiga ah, Arrimaha Xajka iyo Warbixino Kale.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa sidoo kale warbixino looga dhageysatay wasaaradaha amniga, arrimaha gudaha, dekadaha, beeraha iyo degaanka oo howlaha u qabsoomay ka warbixiyey.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM