Shirkada Isgaarsiinta Golis oo biyo ugu deeqdey gobolka Sanaag

Image

Shirkada Isgaarsiinta Golis ayaa waxa ay  100 Booyadood oo  Biyo dhaamin ah ugu deeqday gobalka  Sanaag xili xaalada adaga oo dhan abaarta ah laga soo sheegayo.

Maamulaha Shirakada Isgaarsiinta  Golis ee gobalka Sanaag jaamac shire Maxamed ayaa waxa uu sheegay in maamulka gobalka iyo Gudiga gurmadka abaaraha gobalka Sanaag ay ku wareejiyee dhaqaalo gaaraya labaatan kun oo Doolar oo Golis ugu tala gashay in 100 Boyadood biyo ah  lagu gaar siiyo dadka abaaraha ka jira Sanaag ay Sameenta ku yeesheen. 

Gudoomiyaha gobalka Sanaag iyo duqa degmada ayaa waxa ay ugu mahad Celiyeen Shirkada Isgaarsiinta Golis 100 Boyadood ee biyaha ah ay ugu tala galayn in la gaarsiiyo dadka abaarta ragaadisay  waxa ayna sheegayn in xaalada adag oo dhinaca abaarta ah  ay ka taagantahay Guud ahaan gobalka sanaag. 

Gudoomiyaha ayaa shirkadaha kale ee gobalka Sanaag ka howlgala iyo Ganacsatada ku dhaliilay in doorkoodii ku aadanaa abaarta uusan muuqan sidaas daradeed  waxa uu ku booriyay in ay qayb lixaad ka qaataan Cawinta dadka baarta haysato.

Biyaha Golis ugu deeqdey gobolka Sanaag ayaa imaanaya xilli shirkadu dhowaan Labo boqol oo kun ugu deeqdey dadka abaarahu saameynta ku yeeshey ee Puntland. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM