Shirkada Isgaarsiinta Golis oo biyo ugu deeqdey gobolka Sanaag

Image

Shirkada Isgaarsiinta Golis ayaa waxa ay  100 Booyadood oo  Biyo dhaamin ah ugu deeqday gobalka  Sanaag xili xaalada adaga oo dhan abaarta ah laga soo sheegayo.

Maamulaha Shirakada Isgaarsiinta  Golis ee gobalka Sanaag jaamac shire Maxamed ayaa waxa uu sheegay in maamulka gobalka iyo Gudiga gurmadka abaaraha gobalka Sanaag ay ku wareejiyee dhaqaalo gaaraya labaatan kun oo Doolar oo Golis ugu tala gashay in 100 Boyadood biyo ah  lagu gaar siiyo dadka abaaraha ka jira Sanaag ay Sameenta ku yeesheen. 

Gudoomiyaha gobalka Sanaag iyo duqa degmada ayaa waxa ay ugu mahad Celiyeen Shirkada Isgaarsiinta Golis 100 Boyadood ee biyaha ah ay ugu tala galayn in la gaarsiiyo dadka abaarta ragaadisay  waxa ayna sheegayn in xaalada adag oo dhinaca abaarta ah  ay ka taagantahay Guud ahaan gobalka sanaag. 

Gudoomiyaha ayaa shirkadaha kale ee gobalka Sanaag ka howlgala iyo Ganacsatada ku dhaliilay in doorkoodii ku aadanaa abaarta uusan muuqan sidaas daradeed  waxa uu ku booriyay in ay qayb lixaad ka qaataan Cawinta dadka baarta haysato.

Biyaha Golis ugu deeqdey gobolka Sanaag ayaa imaanaya xilli shirkadu dhowaan Labo boqol oo kun ugu deeqdey dadka abaarahu saameynta ku yeeshey ee Puntland. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM